285 Views

Xukuumadda Soomaaliya oo taageertay Baaqa Caalamiga ah ee lagu xakamaynayo in hubka qarxa loo adeegsado goobaha bulshada

Xukuumadda Soomaaliya oo taageertay Baaqa Caalamiga ah ee lagu xakamaynayo in hubka qarxa loo adeegsado goobaha bulshada
____________________________________________________________________________

Soomaaliya ayaa  taageertay Baaqa Caalamiga ah ee lagu xakamaynayo in hubka qarxa loo adeegsado goobaha bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta magaalada Dublin ee dalka Ireland kaga qaybgalay Baaqa Siyaasadeed ee lagu xoojinayo ka ilaalinta dadka rayidka ah waxyeellada bani’aadannimo ee ka dhalata in hubka qarxa loo adeegsado goobaha ay dadka shacabka ahi ku badan yihiin.

Wasiir Abshir Jaamac ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka waxa uu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta dadka rayidka ah iyo badqabka muwaadiniinteeda guud ahaan.

Waxaa uu sidoo kale cadeeyay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada socda ee xakamaynta waxyaabaha qarxa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post