657 Views

Biden oo amray hay’adda FBI-da in ay kala shaandeyso dukumentiyada la xiriira weeraradii 11-kii September

Biden oo amray  hay’adda FBI-da in ay kala shaandeyso dukumentiyada la xiriira weeraradii 11-kii September
____________________________________________________________________________

Sabti: September 4, 2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar fulin ah oo uu ku amrayo hay’adda FBI-da in ay kala shaandeyso dukumentiyada la xiriira weeraradii argagixiso ee dhacay 11-kii September, 2001.

Amarkan oo soo baxay Jimcihii shalay ayaa taageero u ah qoysaska dhibbanayaashii weerarkaas oo muddo dheer raadinayay diiwaannada dhacdadaasi oo ay filayaan in laga heli doono ku lug ku yeelashada weerarkaas ee boqortoyada Sacuudiga.

Sidoo kale Baaritaanno hore loo sameeyay ayaa lagu qeyxay in uu xiriirka ka dhexeeyay muwaadiniinta Sucuudiga iyo qaar ka mid ah afduubayaashii diyaaradihii weerarka lagu fuliyay, inkasta oo aan la xaqiijin in ay dowladda Sacuudigu wax lug ah ku laheyd.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post