1872 Views

Midawga Afrika Oo Baaq Deg Deg ah u diray Golaha Ammaanka si looga adkaado Al-shabaab

Midawga Afrika Oo Baaq Deg Deg ah u diray Golaha Ammaanka si looga adkaado Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 04, 2017 –Wakiilka  Midawga Africa  ee Soomaaliya danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee arrimaha amaanka looga hadlayo inay Golaha amaanka ka codsanayaan inay fursadii ugu dambeysay ee ay Al-Shabab kaga saarayaan meelaha ay Soomaaliya ka joogaan.

Danjire Madeira waxaa uu sheegay in ciidamada ka socda midawga Africa ee AMISOM  ay u baahan yihiin inay helaan waqti dheeraad ah oo ay ku fuliyaan howlgal noqon doona mid ay Al-Shabab uga saarayaan gobolada ay hadda ka maamulaan Soomaaliya markaa kadibna loo gudbi doono in shaqada suguda amniga ay la wareegaan ciidamada amaanka Soomaaliya.

“Tani waxay noo noqonaysaa inaan weydiisano golaha amaanka ee Q,M inay fursadii ugu dambeysay ay noo siiyaan ciidamadeena AMISOM taasoo aan ku doonayno inaan Al-Shabab kaga saarno meelaha ay joogaan” ayuu yiri wakiilka ururka midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale wakiilku waxaa uu sheegay in shirkaan uu bilow u yahay qorshe la doonayo in ciidamada Soomaaliya la wareegayaan mas’uuliyadda sugida amaanka dalka ayagoo kala wareegaya kuwa AMISOM.

Ururka midawga Africa ayaa horey u sheegay in ciidamadooda Soomaaliya jooga ee ku shaqeeya magaca AMISOM ay Somaaliya kala bixi doonaan sanadka soo socda ee 2018 markaasoo ay hawshooda la wareegi doonaan ciidamada Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment