222 Views

Moscow oo sheegtay gantaalada difaaca hawada ee Ptriot Mareykanka siinayo Ukraine iney Ruushka ka hor istaageyn inuu yoolki uu dagaalka ka lahaa inuu gaaro.

Moscow oo  sheegtay gantaalada difaaca hawada ee Ptriot Mareykanka siinayo Ukraine iney Ruushka ka hor istaageyn inuu yoolki uu dagaalka ka lahaa inuu gaaro.
____________________________________________________________________________

Khamiis: DECEMBER 22, 2022


Moscow ayaa sheegtay gantaalada difaaca hawada ee Ptriot uu Mareykanka siinayo Ukraine iney Ruushka ka hor istaageyn inuu yoolki uu dagaalka ka lahaa inuu gaaro.

Taageerada ciidan ee cusub uu Mareykanku siiyey Ukraine waxaa la shaaciyey xilli uu Zelenesky uu booqasho ku joogo Washington.

Afhayeenka Krimilin Dimitry Peskov wuxuu mareykanka ku eedeeyey inuu dagaal dadbadn uu Ukraine uu u adeegsanayo u uku wayo balse dagaalkaasi uu ku guuleysaneyn.

Peskov wuxuu sheegay Washington iyo Kyiv labaduba waa iney dhageystaan walaaca Ruushka uu qabo, oo ku kallifay inuu dagaalkan soo qaado.

Zelenesky oo aqalka Koongreska Mareykanka la hadlay wuxuu sheyay

iney Ukraine ay weli jirto weligeedna ay isdhiibeyn, kaalmada militariga uu Mareykanka siiyo Kyiv aysan ahayn samafal, balse ay tahay maalgelin lagu sameynayo ammaanka dunida

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post