852 Views

Shir lagu xalinaayo Beelo dagaalamay oo ka furmay Gobolka Mudug

Shir lagu xalinaayo Beelo dagaalamay oo ka furmay Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 22 2020–Degaanka Taaroge Galbeedka Gobolka Mudug ayaa waxaa ka furmay Shir u dhaxeeya Mas’uuliyiin ka kala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug,kaas oo lagu xalinayo Colaad ka dhacday deegaankaas.

Mas’uuliyin iyo Waxgaradka ka kala socda labada dhinac ayaa ka qeyb gallaya dhameystirka heshiskii nabadeed ee Maleeshiyaadkii dhawaan halkaas ku dagaalamay,kuwaas oo dagaalkooda soo laab laabtay.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galaya shirka ayaa waxaa kamid ah Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Gen.Gorod Maamulka Gobolka Mudug Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Maalmaha ka hor ayaa xabad joojin waxaa la kala dhex-dhigay labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamay deegaanka Taaroge oo ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Shirka ayaa waxaa la filayaa inta uu socdo in laga soo saaro qodobo muhiim ah,kuwaas oo xal rasmi ah looga gaarayo Colaad Beeleedyada kusoo laab laabtay deegaanka Taaroge,kuwaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo barakac dadweyne.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment