594 Views

Laba Sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya oo toogasho ku dilay rag looga shakisan yahay inay yihiin Al Shabaab

Laba Sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya oo   toogasho ku dilay rag looga shakisan yahay inay yihiin Al Shabaab
____________________________________________________________________________


Axad: December 5, 2021

 Laba Sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa  toogasho waxaa ku dilay rag looga shakisan yahay inay yihiin Al Shabaab halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen weerar gaadmo ah oo lagu qaaday baabuur booliis ah oo ay saarnaayeen.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi Bari Rono Bunei ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen booliiska, kaas oo ka soo ambabaxay degmada Rhamu kuna sii jeeday magaalada Mandheera ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab, xilli uu marayay meel 40-km u jirta magaalada Mandheera.

Sidoo kale wuxuu sheegay Taliyaha in ciidamo xoojin ah ay u direen dhulka si ay uga daba tagaan kooxda weerarka geysatay.

“Dadka dhaawacmay waxaa loo duuliyay Nairobi halkaas oo la seexiyay Isbitaal, saraakiil kale ayaa hadda ku sugan aagga ay ku baacsanayaan dagaalyahannada ayuu yiri” Taliye Bunei.

Warbixinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday magacyada saraakiisha dhaawacyo ka soo gaareen madaxa, caloosha, dhabarka iyo sinta, kuwaas oo lagu kala magacaabo Sergeant Benard Kariuki, Ilaalada Booliska; Geoffrey Matayo, Andrew Kibrogon Rono, Murithi Kenneth, Charles Nyaga, Ian Kibui, Jabril Kassim, Martin Amukule, Fredrick Samanyo iyo Ronald Bett.

Aagga u dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa waxaa inta badan weeraro ka geysta dagaalyahannada Al-Shabaab, waxana weeraradaas intooda badan ku waxyeelooba Ciidamo katirsan kuwa dalka Kenya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post