3432 Views

K/Galbeed oo maanta dooraneyso Gudoomiye Barlamaan

____________________________________________________________________________

10110

Muqdisho, 03 Jenuary 2016: Baarlamaanka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta dooranaya Guddoomiye iyo labadiisa kuxigeen, iyadoo qaban qaabada doorashada si weyn looga dareemayo magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Tartamayaal dhowr ah ayaa u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labada kuxigeen, waxaana tan iyo shalay magaalada  Baydhabo ka socday olole musharaxiinta ugu diyaar garoobayeen doorashada.

Codeeynta ayaa noqon doonta mid sanduuq ku rid ah, waxaana xilalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen ay u sharaxan dad gaarayo ilaa shan qofood oo ay gabar ku jirto.

Musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa waxaa ka mid ah C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Cali Xasan, sidoo kale waxaa xilka Guddoomiye kuxigeenka koowaad u sharaxan labo musharax, halka Guddoomiye kuxigeenkana u sharaxan yahay hal musharax kaliya.

Doorashada ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, xubno ka socda Urur Goboleedka IGAD iyo Xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobey UNSOM.

Mudanayaasha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo dhowaan la soo dhameystiray ayaa ka kooban 145 mudane, waana Baarlamaanka ugu xubna badan marka la barbar dhigo kuwa Gobollada ka jira.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment