1056 Views

Dowladda Soomaaliya oo Karantiishay Afar qof

Dowladda Soomaaliya oo Karantiishay Afar qof
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado   , March 17, 2020 —Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kasoo degay Afar Muwaadiniin Soomaali ah,kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen dalka Talyaaniga oo kamid ah dalalka uu saameynta weyn ku yeeshay Cudurka Coronavirus.

 

Muwaadiniintaan ayaa waxaa ay kamid ahaayeen Askar Leyli sarkaalnimo loogu diray dalka Talyaaniga,waxana ay saarnaayeen Diyaaradda Ethiopian Airlines duulimaadkeeda maanta ee Addis Ababa iyo Muqdisho.

 

Xubno kamid ah Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomalaiya oo maalmahaan howlo Shaqo ka wadey Garoonka ayaa la wareegay,iyada oo la soo sheeayo in Afarta Ruux la karantiiley.

 

Afarta ruux ayaa sidoo kale Wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in maalmahaan lagu heyn doono meelo gaar ah oo Garoonka ku yaalla si loo hubiyo Caafimaadkooda maadaama ay ka yimaadeen dal uu siweyn uga dilaacey Caabuqa Coronavirus.

 

Shalay ayay aheyd markii Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ay shaacisey in mid amid ah Afar ruux oo ka yimid dalka Shiinaha dhawaan laga helay baaritaano lagu sameeyey cudurka Coronavirus.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment