894 Views

Covid-19: IMF oo oggolaatay in deynta laga cafiyo 25 dal

Covid-19: IMF oo oggolaatay in deynta laga cafiyo 25 dal
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 14, 2020 –Hay’adda Lacagta Adduunka International Monetary Fund IMF ayaa oggolaatay in deynta laga cafiyo 25 dal si looga caawiyo wax ka qabashada saameynta masiibada uu la yimid cudurka dilaaga ah ee COVID-19.

 

Kristalina Georgieva Maareeyaha IMF ayaa war-saxaafadeed ku sheegay, tilaabadaan in ay ka caawinayso wadamadu in ay helaan ilo dhaqaale oo ku wajahan caafimaadka degdegga ah iyo dadaallada kale ee gargaarka.

“Maanta, waxaan ku faraxsanahay in aan sheego in gudiyada fulintu uu ansixiyeen gargaarka degdega ah ee deynta 25 ee wadamada xubnaha ka ah IMF ku waas oo hoos imaneysa hay’adda IMF ee dib u cusboonaysiinta Masiibooyinka iyo Hay’ada Relief Trust (CCRT) taas oo qayb ka ah jawaabta Sanduuqa si looga caawiyo wax ka qabashada saameynta COVID -19” ayay tiri Kristalina Georgieva Maareeyaha IMF.

Wadamadan waxay kala yihiin, Afghanistan, Benin, Burkina Faso, Central African Republic, Chad, Comoros, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Gambiya, Guinea, Guinea-Bissau, Haiti, Liberia, Madagascar, Malawi, Mali, Mozambique, Nepal, Niger, Rwanda, , Sao Tome iyo Principe, Sierra Leone, Solomon Islands, Tajikistan, Togo, iyo Yemen.

Bishii la soo dhaafay, IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa soo saaray baaq wadajir ah oo ay ku boorinayaan deyn-bixiyeyaasha inay cafiyaan lacagaha ay ku leeyihiin dalalka ugu saboolsan adduunka, oo ay Soomaaliya kamid tahay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment