1026 Views

Ciidamo ay kala wateen Taliyaha Booliska Hirshabelle iyo taliyaha Ciidamada Badbaado Hiiraan oo isku Rasaaseeyay

Ciidamo ay kala wateen Taliyaha Booliska Hirshabelle iyo taliyaha Ciidamada Badbaado Hiiraan oo isku Rasaaseeyay
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 26, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta halkaas ay ka taagan tahay Xiisad Dgaal oo u Dhaxeeyso Ciidamada la Magac baxay Badbaado Hiiraan, iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Hirshaballe.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo uu wato Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle Corneel  Xasan Dhicisow Xasan manta galay aqalka Madaxtooyada Maamulka Gobolka halkaasi oo ay daganaayeen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuuusuf axmed Hagar, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan.

Taliye Xasan dhicisow iyo Ciidamo uu wato ayaa kulan lasoo qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar Dabageed, waxaana Intaasi kadib  Ciidamada Badbaado Hiiraan ee dhawaan la wareegay qeeybo kamid ah Lamagalaay ay is hortaag ku sameeyey in ay kasoo baxaan Ciidamada uu watay Taliyaha Booliska Hirshabeelle iyo Masuuliyeen kale ee la socotay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Rasaas halkaas kooban ay ka dhacday Markii danbana ay soo fara galiyeen arintaas wax garadka Beesha xawaadle.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa soo fara giliyay xaaladdii taagneed waxuuna ku guuleestay in xaaladda la dejiyo kaddib markii uu qadka Teleefanka kula hadlay saraakiisha ciidanka Badbaadada Hiiraan in aay fasaxaan sarkiisha aay is hor istaaga ku sameeyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post