621 Views

Maxamed Kaahin: “xaaladda suuqa Waaheen waxa lagaga bixi karo midnimo”

Maxamed Kaahin: “xaaladda suuqa Waaheen waxa lagaga bixi karo midnimo”
____________________________________________________________________________


Axad: April 24, 2022

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la yeeshay Xildhibaanada Golaha Degaanka Caasimada Hargeysa, kulankaasoo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Kulankan waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta wejiga labaad ee Suuqa Waaheen, iyada oo la bilaabayo Nadiifinta Suuqa iyo socodsiinta hawlaha kale ee baahaxada leh, taasoo ay ku jirto naqshadaynta Suuqa Waaheen, kaasoo loo xilsaaray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland, sida lagu sheegay warsaxafaadeed ka soo baxay wasaaraddaas oo lagu baahiyey barta ay ku leeyihiin Facebook.

Warsaxaafadeed ayaa sida oo kale lagu sheegay in xaalkan lagaga bixi karo wada jir: ” waxaa keli ah ee lagaga bixi karaana ay tahay midnimo iyo isku duubni, iyada oo aan la is eedaynayn, cid gaarina aanay qaadanayn masuuliyada.”

Muddooyinkii u danbeeyey waxa warbaahinta laga arkay in uu jiro khilaaf dhanka maamulka oo u dhaxeeya wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladda Hoose, waxaana khilaafkaasi soo baxay markii mid ka mid ah xildhibaannada dawladda Hoose uu sheegay in shaqadoodii ay wasaraddaasi faragelin ku hayso.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post