1701 Views

Madaxweyne Xaaf Oo ku dhawaaqay golihiisa wasiirada

Madaxweyne Xaaf  Oo ku dhawaaqay golihiisa wasiirada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 14, 2018 —Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo mudo looga fadhiyay dhismaha golaha wasiirada Galmudug ayaa soo gudbiyay liiska 25 wasiir oo aan laheyn wasiiro kuxigeeno.

Magacaabista golaha wasiirada oo saxaafadda loogu yeeray 12-kii bishan ayaa waxaa baajiyay buuq ay dhaliyeen xildhibaano ka biyo diiday qoondada ay beel ahaan u heleen iyo boosaska loo magacaabay.

Sidoo kale waxaa jirtay maleeshiyaad hubeysan oo goostay ilinka hore ee madaxtooyada, kadib markii loo sheegay beeshoodii wasaaradii ay lahaayeen loo weeciyay beel kale.

Madaxweyne Xaaf oo ay kala maqan yihiin madaxweyne kuxigeenkiisa ayaa soo dhisay xukuumad keliya ka kooban wasiiro, waxayna arrintan sii dhalisay xasaasiyad hor leh.

 

 

1 2

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment