1719 Views

Guddiga lagu muransan yahay oo soo saaray war ku saabsan doorashada

Guddiga lagu muransan yahay oo soo saaray war ku saabsan doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 16da Maarso, 2021Guddiga lagu muransan yahay Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay kulanka loo madlan yahay ee dhinacyada hoggaanka Golaha siyaasadda ay qorshaynayaan in ay deg deg u qabtaan, una xalliyaan tabashooyinka jira si dalka ay uga bilaabato doorasho loo dhan yahay oo  caddaalad u dhacda, taas oo ah himilada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Guddiga lagu muransan yahay ee lagu eedeeyay in ciidamo iyo Shaqaalle rayid ah ay yihiin ayaa  hoggaamiyayaasha Golaha siyaasadda ugu baaqay in ay ku daraan arrimaha doorashada ee go’aammada  ka gaarayaan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ee ka mid noqoshada baarlamaanka 11aad ee 2021, qoondadaas oo ku cadayd heshiisyadii horey loo gaaray oo dhigaya in xubnaha baarlamaanka ay 30% noqdaan  haween.

“Guddigu, isagoo maanka ku haya caqabadaha kala duwan ee haweenka hortaagan, sida tan ka imaanaysa wax qaybsiga qabaa,ilka iyo duruufaha dhaqaale ee jira  waxa aan usoo jeedinaynaa Golaha wadatashiga Qaran in khidmada lacagta laga dhimo 50% haweenka tartamaya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddiga.

Ugu danbeyntii, guddigu lagu muransan yahay  wuxuu ugu baaqay markale, Dowladda federaalka soomaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember 2020.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post