606 Views

Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay in Gole degaan loo sameeynayo Magaalada Cadaado

Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay in Gole degaan loo sameeynayo Magaalada Cadaado
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah ku gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka tegay Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmo kooban safar shaqo ku joogi doona Cadaado, waxaana degmada Cadaado ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug, maamulka degmada cadaado, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Galmudug oo u mahad celiyay dadkii Magaalada kusoo dhaweeyay ayaa sheegay inay guda geli doonaan dhismaha Golaha degaanka Magaalada Cadaado.

Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Madaxwryne Qoor Qoor uu la kulmi doonaa Maamulka Magaalada, Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post