714 Views

Raila Odinga oo markii shanaad u tartamaya madaxweynaha Kenya

Raila Odinga oo markii shanaad u tartamaya madaxweynaha Kenya
____________________________________________________________________________

Sabti: December 11, 2021

Hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug caddaaga ah Raila Odinga ayaa Jimcihii shalay bilaabay ololihiisa shanaad ee doorashada madaxtinimada Kenya, isaga oo markan taageero ka helaya madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay hore u cadaawad siyaasadeed ugala dhexeysay.

Codbixiyeyaasha ayaa lagu wadaa in ay codeeyaan bisha Ogosto ee sanadka soo socoda, iyadoo Kenyatta aanu gali doonin doorashadan, maadaama dastuurka Kenya uu dhigayo in aanu tartami karin inka badan laba xilli oo min shan sano ah.

Odinga ayaa ku ammaanay Kenyatta inuu billaabay wadahadal ay ku midoobeen afar sano kahor kadib khilaaf xooggan oo ka dhashay codbixintii 2017-kii.

“Waxay u baahan tahay khibrad in nin uu u gacan-qaado ninka ay is hayaan,” ayuu u sheegay Odinga tobannaan kun oo ka tirsan taageereyaasha xisbigiisa ODM oo isugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Nairobi.

Saddexdii doorasho ee ugu dambeeyay Odinga waxa ay doorashooyinkii 2007 iyo 2013, taageerayaashiisu ka mudaaharaadeen natiijada doorashada, isaga oo sidoo kale maxkamadda la aaday natiiijada doorashooyinkaas, waxana uu sheegay in isagu uu ku guuleystay, laakiin laga xaday.

Isku dhacyo sababay dhimasho ayaa sidoo kale ka dhashay doorashooyinkii 2007 iyo 2017.

Laakin waxa uu heshiis nabadeed la galay madaxweyne Kenyatta horraantii 2018-kii, isaga oo dhinaca isaga riixay ku xigeenka Kenyatta, William Ruto, oo isna si weyn u soo bandhigay hammigiisa madaxtinimo.

Dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda Kenyatta iyo madax kale ayaa ka qeyb galay daahfurka ololaha Odinga.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga madaxweyne Kenyatta ee Jubilee, isagoo hoosta ka xariiqay in madaxweynaha uu garab taagan yahay Odinga.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post