939 Views

Booliska Dowlad degaanka oo fagaaro ku gubay Xashiis farabadan

Booliska Dowlad degaanka oo fagaaro ku gubay Xashiis farabadan
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 15 2021=Hayadaha Cadaalada Gobolka Faafan iyo kuwa Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa siwada jir ah 20 kiilo oo xashiishad ah ugu gubay duuleedka Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad degaanka Soomaalida

Maandooriyaha Xashiishka ah ayaa howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska waxaa ay ku qabteen  7 nin oo ka Gamacsan  jiray, waxaana xashiishka siwada jira ugu gubay duleedka magaalada jigjiga Hay’adaha Cadaalada Gobolka Faafan iyo kuwa maamulka Magaalada Jigjiga.

Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhalinyarada uga digay inay isticmaalaan maandooriyaha kala duwan, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan qof walba ee lagu qabto in uu isticmaalayay ama  ka Ganacsanayay.

Ciidamada Booliska dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhowr jeer waxaa ay goob fagaaro ah ku gubeen maandooriye kala duwan, sida khamri iyo Xashiis, sidoo kalena la xukumay dad ka Ganacsanayay.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post