933 Views

Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo heshiis kala saxiixday

Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo heshiis kala saxiixday
____________________________________________________________________________


Isniin: March 7, 2022

Safiirka dowladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya Xasan Bin Xamza oo ka hadlay Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Qatar ayaa boggaadiyay xiriirka adag ee ka dhaxeeya dowladdaha Qatar iyo Soomaaliya.

Safiirka oo u warramayay Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA, ayaa sheegay in socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dalka Qatar uu qeyb ka qaadan doono sii xoojinta xiriirka dhinacyada kala duwan leh.

Sidoo kale’ wuxuu sheegay in labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyo kala duwan leh oo ay ugu horreeyaan dhanka waxbarashada ah, maalgashiga, kahortaga lunsiga dhaqaale iyo cashuuraha, arrimaha siyaasada, iyo qaybta duulista rayidka ah.

Ugu dambeyn safiirka ayaa sheegay in dowladda Qatar ay hadda ku howlan tahay dhameystirka Mashruuca Wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo dhererkeedu dhan yahay 90km.

\ Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post