1752 Views

Waqooyiga Nigeria koox hubeysan oo afduubtay ninkii loogu dhiibay lacag madaxfurasho ah

Waqooyiga Nigeria koox hubeysan oo afduubtay  ninkii loogu dhiibay lacag madaxfurasho ah
____________________________________________________________________________

Axad: july 25 2021

Dhacdo dhif ah ayaa laga soo tebiyay waqooyiga Nigeria kadib markii koox hubeysan ay afduubteen ninkii loogu dhiibay lacag madaxfurasho ah si ay usoo sii daayaan in ka badan 100 ardey ah oo ay dableydaas ka afduubteen dugsi sare oo islaami ah.

Wararka waxay sheegayaan in sababta kooxda ay u qafaalatay ninka lacagta u siday ay aheyd in aysan ku qanacsaneyn lacagta madaxfurashada ah ay codsadeen in la siiyo sidaas darteedna aanan lasoo dhameystirin.

Waalidiinta ardeyda maqan ee wax ka baraneysay iskuulka islaamiga ee Salihu Tanku ayaa iska aruuriyay kumanaan kun oo doolar si ay usoo daayaan carruurtooda maqan.

Carruurtan ayaa muddo labo bilood ah maqan, waxaana la rumeysan yahay in kooxaha ay ku hayaan keymo ku yaalla halkaas.

Maamulaha iskuulka ayaa BBC u sheegay in rajadooda ay aheyd in marka ay bixiyaan madaxfurasho dhan 75,000 oo doolar in carruurta ay xoriyaddooda ay dib u helayaan balse haatan ay jahwareersan yihiin maadama ninkii loo dhiibay lacagta madaxfurashada ah in isagii la afduubtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post