1068 Views

Alshabaab oo Markale Weerar Culus ka Fuliyay Gudaha Dalka Kenya

Alshabaab oo Markale Weerar Culus ka Fuliyay Gudaha Dalka Kenya
____________________________________________________________________________

 Arbaco: March 16, 2022

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qarax miino oo markale xoogaga Al-Shabaab ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer laleh Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya, xilli ay marayeen deegaanka Dharqaale hoostaga magaalada Mandera.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah baabuurta ay wateen ciidamada Kenya, sidoo kalena uu ka soo gaaray khasaare xoogan.

Ciidamada ayaa sidoo kale qaraxa kadib sameeyey howl-gallo baaritaano ah, waxayna gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falkaasi.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxayna shaacisay inay ku dishay askar ka tirsanaa Kenaya, kuwa kalena ay ku dhaawacday.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa qoraalkeeda oo ay ku baahisay boggaga Internet-ka ku sheegtay inay qaraxan ku burburisay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamadaasi.

waa weerarkii labaad oo muddo todobaad gudihiisa ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka fulinayaan gobolka Waqooyi Bari, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada dowladda Kenya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post