903 Views

MiIlitryga Filibiin oo qabtay 9 dumar ah kana tirsan ururka Abu Sayaaf, oo dhamaantood doonayay inay is qarxiyaan

MiIlitryga Filibiin oo qabtay  9 dumar ah kana  tirsan ururka Abu Sayaaf,  oo dhamaantood doonayay inay is qarxiyaan
____________________________________________________________________________

February 23, 2021

MiIlitryga dalka Filibiin ayaa sheegay in hawlgal gaar ahaa oo ay ka sameeyeen koofurta wadankaasi inay ku qabteen 9 dumar ah oo ka tirsan ururka hubeysan ee Abu Sayaaf, kuwaas oo dhamaantood doonayay inay is qarxiyaan.

Jeneral William Gonsaalis oo ah taliyaha ciidamada militryga dalka Filibiin ee jasiiradda Suuluu ayaa sheegay in ciidamadu heleen xog ku saabsan in haweenkaan ay isku diyaarinayeen fulinta weeraro ismiidaamin ah oo hal mar dhaca.

Sargaalkaan waxaa uu sheegay in 9 dumarka ah 3 ka mid ah uu dhalay hogaamiyaha ururka Abuu Sayaaf oo la yiraahdo Xaatib Xajaan Sawadjaan.

Ururka Abuu Sayaaf oo dalka Filibiin ka dagaalamayay waqti dheer ayaa weerarada isqarxinta u adeegsada haween ururkooda ka tirsan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post