1233 Views

Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliyo iyo Qatar oo xalay yeeshay wadahadal dhanka teleefoonka.

Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliyo iyo Qatar oo  xalay yeeshay wadahadal dhanka teleefoonka.
____________________________________________________________________________

Jimco: July 16 2021

Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliyo iyo Qatar, Maxamed Xuseen Rooble iyo Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani ayaa xalay yeeshay wadahadal dhanka teleefoonka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah” ayaa lagu qoraalka.

Dhanka kale warar hoose ayaa sheegaya in labada Ra’iisul Wasaare ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ay Qatar doonayso in ay saameyn ku yeelato.

Dowladda Qatar ayaa doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ku la hayd saameyn badan oo ay kaga adkaatay dalal kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post