810 Views

Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo la wareegay degmada Balcad

Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo la wareegay degmada Balcad
____________________________________________________________________________

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa ay dagaal ku galeen degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, Muqdishana dhanka Waqooyiga uga beegan 35km halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Maamulka degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal muddo kooban socday kadib ay Al-Shabaab la wareegeen Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Balcad, sida, Waaberi Star, Halgan, Horseed, Waaberi Irdoole iyo sidoo kale Farisiinka ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka ee Koontoroolka Buundada degmada Balcad.

Intii uu dagaalka socday ayaa Qoriga hoobiyaha ah ayaa waxaa uu ka dhacay Qoys degan Xaafada Waaberi Star, waxaana ku dhaawacmay 5 Ruux oo laba kamid ah uu dhaawacooda daran yahay, kuwaas oo loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Majiro khasaaro dhimasho ah oo la sheegay in uu ka dhashay dagaalka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ay sheegayan in Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Balcad, isla markaana ay dib ugu soo laabteen Ciidamada Maamulka degmada oo markii hore aaday dhinaca Xaafada Xaawa Taako.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Al-Shabaab ee degmadaas walow markii dambe isaga baxeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post