879 Views

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo safar shaqo ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo  safar shaqo ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageyd ayaa maanta safar shaqo kusoo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airport kusoo dhoweeyay tiro Xildhibaano oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo laga soo doortay Hirshabeelle, Dhalanyaro Barbaarta Gaashaaman iyo Masuuliyiin Kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf dabageyd ayaa lagu wadaa in uu Muqdisho ka bilaabo kulamo siyaasadeed oo uu la qaadanayo Xildhibaanada labada aqal & musharixiinta qaar ee u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

15-ka bishaan may ayaa lagu wadaa inay dalka ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ku cad jadwalka ay soo saareyn Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha loo xil saaray.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post