939 Views

Mahdi Guuleed” Waxaa naga Go’an xaqiijinta Guusha Maaliyeed ee dalkeena”

Mahdi Guuleed” Waxaa naga Go’an xaqiijinta Guusha Maaliyeed ee dalkeena”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-30-2020–Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta kulan la qaatay qaar kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku Shaqada leh dhaqaalaha ee dalka.

Mahdi Guuleed ayaa warbixino ka dhageystay wasiirada, Maaliyadda, caafimaadka, Qorsheynta, Cadaaladda iyo xubno kale, isaga oo kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha Maaliyadda dala.

Waxaan maanta warbixin ku saabsan xaaladda dib u habeynta dhinaca dhaqaalaha ee dalka ka dhageystay wasiirrada ku shaqada leh iyo khubaro. Waxaan si aad ah uga shaqeyneynaa xoojinta dhaqaaleheenna, horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda ee qaranka iyo dowlad wanaagga. Waxaa naga go’an in aan xaqiijinno guul dhaqaale iyo maaliyadeed oo dalkeennu gaar ayuu yiri” Mahdi Guuleed.

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tan iyo markii Madaxweyne farmaajo uu u Magacaabay xilka siihayaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu waday kulamo kala duwan iyo booqashooyin uu ku tegayay Xarumaha maaliyadda dalka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post