1005 Views

Akhriso:-Qodobo looga hadlayo Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

Akhriso:-Qodobo looga hadlayo Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 08, 2019 —Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Taariikhdu ay ku beegan tahay  8/7/2019 waxaa ay yeelanayaan kulankoodii 14aad ee caadiga ahaa kaas oo ka qabsoomi doona Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

 

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah  Akhrinta 3-aad ee Wax ka Badalka Sharciga Saxaafadda,kaas oo ay ku jiraan sida la sheegay qodobo badan oo muran uu ka taagan yahay,isla markaana u baahan in wax ka bedel lagu sameeyo.

 

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyey in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Golaha,isla markaana la doonayo in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ksoo qeyb galaan.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa todobadyadii la soo dhaafay waxaa ka baaqday kulamo qaar taas oo loo aaneynayo in uu u baaqdo kooram la’aan,waxaana guddoomiyaha Golaha Shacabka uu dhowr mar digniin u diray Xildhibaanada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment