2436 Views

Araday kor u dhaafay kun araday oo manta u fariisatay imtixaanka qaabilida Jaamacada Horseed

Araday kor u dhaafay kun araday oo manta u fariisatay imtixaanka qaabilida Jaamacada Horseed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 04, 2018 – Inka badan 1000 arday oo cusub ayaa maanta u fariisatay imtixaanka qaabilaadda jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed oo kamid ah jaamacadaha Muqdisho ku yaala.

Ardaydaan ayaa imtixaanka qaabilaada ku galay xarumaha Jaamacadda ee KM4 agagaarka madaxtooyadii Cabdi Qaasim iyo xarunta Buulo-xuubeey.

Ardaydaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ka mid noqdaan jaamacadda Horseed oo ay sheegeen inay ku xusheen tayada jaamacadda leedahay.

Badankood waxay ardaydaan baranayaan kulliyadda maamulka iyo Caafimaadka, waxaana marka ay ka gudbaan imtixaanka ay si toos ah kaga mid noqonayaan ardayda Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed.

Dr Cismaan Cumar Axmed (Dr Nuune) oo kamid ah masuuliyiinta Jaamacadda ayaa sheegay in imtixaanka maanta ay  u fariisteen arday gaareyso 1170 arday, kuwaasi oo ku faraxsan kamid ahaanshaha Jaamacadda Horseed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ardaydan ka mid noqon doonaan ardayda baranaysa kulliyadaha ay doorteen marka ay ka gudbaan imtixaanka qaabilaada.

jamacada-horseed-1 jamacada-horseed-2 jamacada-horseed-3 jamacada-horseed-7 jamacada-horseed-5 jamacada-horseed-6

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment