1089 Views

Amaro laga soo saaray Ammaanka Magalada Garoowe

Amaro laga soo saaray Ammaanka Magalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 11 2019 —Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland Sarreeye Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in hub lagu dhexsito gudaha Magalada Garoowe,waxana uu sheegay in cidii lagu arko lagala wareegayo.

 

Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Magalada Garoowe ayuu ku amray Ciidamada Ammaanka Puntland ee loo xilsaaray dhinaca amniga inay  qoryaha ka qaadan askarta kuwa aan howlgallada ku jirin hadii lagu arko, iyaga oo ku dhexwata Gudaha Magalada Garoowe.

 

“Marnaba ma ogolaaneyno in Magalada hubka la isaga dhexwato,ciidamada howlgallada ku jira waxaan u sheegayaa inay qorayaha ka qaadaan cidii ay ku arkaan, iyaga oo Magalada ku dhexsita,ilaalada Madaxda xataa laguma arki karo magalada xarumahooda haku ekaadaan ayuu yiri” Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse.

 

Hadalka Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada Booliska Puntland ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo kala duwan ka sameynayeen Xaafadaha kala duwan ee Magalada Garoowe.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment