912 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha K/Galbeed oo qaabiley Wakiilka QM ee Somalia

SAWIRO:-Madaxweynaha K/Galbeed oo qaabiley Wakiilka QM ee Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 10 , 2019 | QOL |   –Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, iyada oo halkaasi lagu soodhaweeyey.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, iyaga oo kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

 

 

 

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen Arrimo ku saabsan xaalada dalka,doorashada Soomaaliya kusoo fool leh doorka dowlad goboleedyada ay ku yeelan karaan iyo Arrimo la xiriira dib u eegista ku socota Dastuurka Soomaaliya.

 

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa maalmahaan waxaa uu waday kulamo uu la qaadanayo Saamileyda Siyaasada Soomaaliya,waxana uu la kulmay,Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya,Guddoonka labada Aqal iyo Xubno kamid ah Musharixiinta Madaxwyenaha Galmudug.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment