852 Views

Madaxweynaha Puntland oo gaaray deegaanka Garacad

Madaxweynaha Puntland oo gaaray deegaanka Garacad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18 2019 —Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen deegaanka Garacad oo ka tirsan  Gobolka Mudug,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

 

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa qeyb ka ah Maalgashadayaal u dhashay dalalkii ka qeyb-galay kulankii Maalgashiga Puntland ee shalay lagu soo geba-gabeeyay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

 

U jeedada ugu weyn eewafdiga Madaxweyne Deni iyo xubnaha la socda ay u tageen deegaanka Garacad ayaa waxaa lagu sheegay sidii looga dhabeyn lahaa dhismaah dekadda Cusub ee deegaanka Garacad oo horay dhowr mar u taaba-geli waayay.

 

Xubnaha Maalgashadayaal u dhashay dalalkii ka qeybgalay kulankii Maalgashiga Puntland ayaa la sheegay inay kormeer ku tegayaan goobaha loo asteeyay in laga dhiso dekadda Garacad, iyada oo Maanta siweyn loo adkeeyay Amniga deegaankaas.

 

Xubnaha Maalgashadayaasha oo ka kala socday wadamo kala duwan ayaa balan qaaday lacago mallaayiin dollar oo ay uga qeyb qaadan doonaan howlaha maalgashiga oo ay ka fulinayaan deegaannada Puntland taas oo qorshaheeda uu bilaawday.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment