756 Views

Qoor Qoor oo sheegay in aan la qabaneyn doorasho ay ka maqan yihiin Jubbaland & Puntland

Qoor Qoor oo sheegay in aan la qabaneyn doorasho ay ka maqan yihiin Jubbaland & Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 12, 2021—Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in waqtigaan aysan macquul aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho hal dhinac ah, isla markaana Go’aanka dowladda & dowlad goboleedyada uusan sidaasi aheyn.

Waxaa uu beeniyay hadallo kasoo yeeray Xubnaha Midowga Musharixiinta ee ahaa in Dowladda Soomaaliya & dowlad Goboleedyada taagersan ay doonayaan in la qabto doorasho hal dhinac, waxana uu sheegay in taasi suurtagal aheyn.

Madaxweyne Qoor Qoor oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegya in doorasho ay ka maqan yihiin Jubbaland & Puntland in dalka aan laga qabaneyn, isla markaana ay muhim tahay in laga heshiiyo doorashada.

Waxaa uu sheegay in eedaha loo soo jeediyay dowlad goboleedyada saddexda ah ee taageersan dowladda uu yahay mid siyaasadeed, isaga oo hadalkiisa inaasi uu raaciyay in tabashooyinka jira in la xaliyo ay doonayaan.

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa uu waday door ku aadan xalinta khilaafka doorashada, isaga oo ku eedeeyay Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland in aysan kasoo jawaabin farriin tanaasul ah oo uu uga keenay Madaxda dowladda Soomaaliya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post