627 Views

Dowlada Somalia oo ka hadashay kordhinta Qaramada Midoobay ee xanibaada hubka

Dowlada Somalia oo ka hadashay kordhinta Qaramada Midoobay ee xanibaada hubka
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 17, 2021

Safiirka Soomaaliya u fadhiya  Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya awood buuxda loo siiyay iney ogaato hub walba oo galaya gudaha Soomaaliya.

Abuukar Baalle oo ka hadlayay shirka Golaha Ammaanka  ayaa  xusay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya si buuxda looga qaado dhammaan cunaqabateynta saaran.

“Waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ogaado halbeegyada si cad loo qeexay, waaqici ah, iyo kuwa la qiyaasi karo, iyadoo lala tashanayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in si buuxda looga qaado dhammaan tallaabooyinka cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya ee QM oo wax laga xumaado ku tilmaamay in la cusbooneysiiyo xanibaada hubka ee Somalia saaran.

https://476da4f2fb5703efaa0fede3b408ee66.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Hadalka danjiraha ayaa yimid, iyadoo Qaramada Midoobay ay isniintii shalay gaartay in muddo sannad ah lagu kordhiyo muddada xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in hubka qarsoodiga ah ee gacanta u gala kooxda Alshabaab, uu xadgudub ku yahay cunno-qabteynta hubka ee QM.

Somalia ayaa ku guulaysan waysay qorshahe ku aadan in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saarneyd tan iyo 1992-dii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post