2328 Views

Wararkii ugu dambeeyay ee Khilaafka Madaxda Galmudug

Wararkii ugu dambeeyay ee Khilaafka Madaxda Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11, 2018 – Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee maamulka Galmudug ayaa lagu guuldareystay in wax laga qabto, iyadoo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay ku kala sugan yihiin Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa dhawaan ka furay Magaalada Cadaado kalfadhiga xildhibaanada Galmudug,iyadoo halkaasi ay joogeen tiro aan dhameystirneyn taasoo sii xumeysay Khilaafka Madaxda Sare ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa dhankiisa Magaalada Dhuusamareeb ka wadda qabanqaabadda Magacaabista Golaha Wasiiradda maamulka Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ka gaabsatay Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug, waxaana hadda muuqata in maamulka Galmudug uu labo u kala jabay.

Madaxweyne ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa wali ku doodaya in Madaxweyne Xaaf uu hareermaray Dastuurkii Galmudug ee la sameeyay 2015-kii.

Halka Madaxweyne Xaaf uu dhagaha ka fureystay eedaha kaga imaanaya Madaxda Galmudug ee ku sugan Cadaado.

Bulshada Galmudug ayaa u arka khilaafka Madaxda Galmudug mid dhibaato ku ah horumarka laga filayey maamulkan oo noqday mid khilaaf u joog ah.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment