4023 Views

Tababar Macalimiin oo lagusoo gaba gabeeyay Hargeysa

Tababar Macalimiin oo lagusoo gaba gabeeyay Hargeysa
____________________________________________________________________________

14-Dulqicda-1437h, oo waafaqsan 17-8-2016 | 

Tababarkaani oo soconayay laba maalmood ayaa waxaa lagusoo gaba gabeeyay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, iyadoo Qaban qaabada Tababarkaani ay iska kaa shadeen Shirkadda Basaair ee Tala-bixinta Tarbiyada iyo Raabidada Macaahidda Shareecada.

Tababarkaani ayaa waxaa Macalimiinta lagu tababa barayay Manaahijta Shirkada Basaair ay ugu tashaqay Maadooyinka Shareecada Islaamka, waxaana ay gaarayaan 51 Kitaab, kitaabadaasina waxaay ay gaar u yihiin Qaarada Afrika.

tababar-macalin-1

Gaba gabada Tabarka Xaflad loo qabtay ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Arimaha Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil C/laahi Axmed, Gudoomiyaha Raabidada Macaahidda Shareecada Sh.Axmed Cabdisamad, Tababare Dr.Maxamed Busaadi oo tababarka bixinayay, Wafti Marti ah oo ka yimid Dalka Sucuudiga, Macalimiinta Dawrada loo qabtay, Maamulka iyo Ardayda Machadka Sare ee Ducaadda.

Ugu horayn Xog-hayaha Raabidkada Macaahidda Shareecada Sh.Maxamed Ibraahim Jaamac ayaa waxaa uu ka warbixiyay Tababarka waxaana uu sheegay in ay tahay Dawradii 6aad oo ku saabsan Mahaajita Basaair oo lagu qabto Afrika tii u danbaysayna lagu qabtay Ifrikoosti, waxaana uuna kula dardaarmay kasoo qayb galayaashii Tababarka inay dhaqan galiyaan wixii ay ka faaideen Dawrada.

tababar-macalin-2

Dr.Maxamed Busaadi oo ah Macalinkii Tababarka bixinayay kana soo jeeda Dalka masar ayaa isaguna ka hadlay Gaba gabada Tababarka waxaana uu sheegay in Umaduhu ay ku hor maraan: Wax ay aaminsan yihiin oo kiciya, Aqoon hor marsan iyo Jirka Shaqaynaya, waxaana uu sheegay in Manaahijta ay ku tababarteen Macalimiintu ay yihiin kuwo u cuntaba Qaarada Afrika ayna la jaanqaadayaan Deegaanka iyo Dhaqanka Dadka.

Gudoomiyaha Raabidada Macaahidda Shareecada Sh.Axmed C.samed ayaa waxaa uu isaguna u mahadceliyay Shirkada Basaair oo si dag dag ah uga jawaabtay Dalabkii ay u dirsadeen oo ahaa in loo tababaro Macalimiinta iyo Maamulayaasha Macaahidda, waxaana uu ka codsaday Hay’adaha arimahaan ka shaqeeya inay u badiyaan Tababarada noocaan oo kale ah, isagoo kula dardaarmay Maamulayaasha Macaahidda inay Qorshayaashooda ugu waaweyn ku darsadaan sidii ay u hormarin lahaayeen Xirfadda Barayaasha Macaahidda oo Wakhti iyo Xoolaba ay ku bixiyaan.

tababar-macalin-12

Madaxa Raabidada Caalamka Islaamka ee Jabuuti iyo Soomaaliya Dr.Yuusuf Al-qufayli oo hogaaminayay Martida ka timid Dalka Sucuudiga ayaa isaguna u mahadceliyay soo qaban qaabiyaasha Barnaamijka waxaana uu ku dheeraaday u mahadcelinta Wasiirka Wasaarada Arimaha Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil C/laahi Axmed, waxaana uu kula dardaarmay Maamulyaasha iyo Macalimiinta Macaahidda in Maadooyinka Diinigaa lagu sharxo luqadda Carabiga, maadaama iyada ay Diintu kusoo dagtay, Kutubtuna ay iyadu ku qoron yihiin si ay Ardaydu ula qabsadaan Luqadda Quraanka.

tababar-macalin-4

Ugu danbayn waxaa soo gaba gabeeyay Tababarka Wasiirka Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil C/laahi Axmed oo sheegay inay ku faraxsan yihiin tababarkaan qiimaha badan ee soo gaba gaboobay, waxaana uu muujiyay muhiimadda ay leedahay in la tababaro Macalimiinta Diinta Dadka bara, isaga oo intaasi raaciyay inay Shaqo weyn tahay in laga shaqeeya faafinta Diinta iyo U gargaarideeda.

Si kastaba ha ahaatee Tababarkaan Muhiimka ah ayaa Gaba gabadiisa waxaa Dadkii ka faaidaystay la siiay Shahoodooyinka ka qayb galka Tababarka, iyadoo Tababirihiina Raabidadu ay gudoonsiisay Hadiyah iyo waliba Shirkadda Basaair, Dhankiisana uu Hadiyah Gudoonsiiyay Sh.Axmed C.samad iyo Sh.Maxamed Ibraahim.

tababar-macalin-3 tababar-macalin-5 tababar-macalin-6 tababar-macalin-7 tababar-macalin-8 tababar-macalin-9 tababar-macalin-10 tababar-macalin-11

.

.

.

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi
Gaalkacyo – Mudug – Soomaaliya

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment