480 Views

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo dhowaan kulan cilmi-baaris ah ku qabanaysa Garoowe

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo dhowaan kulan cilmi-baaris ah ku qabanaysa Garoowe
____________________________________________________________________________

Talaado: January 25, 2022

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Dowladda Federalka Somaliya iyo Machadka Caafimaadka Qaranka (National Institute of Health (NIH)) ayaa lagu wadaa inay si wada jir ah u qabtaan shir weynihii ugu horreeyay oo lagu soo bandhigi doono cilmi-baadhisyo kala duwan oo ku saabsan caafimaadka guud.

Shirkan oo noqon doona mid sanadle ah ayaa wejigiisa koobaad waxa uu ka dhici doonaa maagalada Garoowe taariikhdu marka ay tahay 30 Janaayo – 1 Feebaraayo 2022.

Machadka Caafimaadka Qaranka oo ka duulaya fursad siinta Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed iyo wax soosaarka Cilmiyeed ee aqoonyahanka iyo mihnadlayaasha Caafimaadka heerarkooda kala duwan ayaa u guntaday inuu abuuro Madal noqonaysa tii ugu horeeyay oo nuuceeda ah.

Madashan ayaa fursad gooniya siin doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wax ka qora qaybaha kaladuwan ee Caafimaadka Guud oo runtii ah meelaha ugu muhiimsan ee dalkeenu ka liitay mudadii aan burburka ku jirnay.

Machadka Caafimaadka Qaranka  iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed waxa ay si gooniya ugu mahadcelinayaan Ururka Caafimaadka Aduunka. Wakaaladda Caafimaadka Guud ee Iswiidhan (Public Health Agency of Sweden), Joornaalka Arrimaha Caafimaadka ee  (SHAJ).

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post