1449 Views

Sawiro:-Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray Tababar ku saabsan Dambiyada Abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo Dalxiiska

Sawiro:-Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray Tababar ku saabsan Dambiyada Abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo Dalxiiska
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 14, 2019 –-Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa soo xiray Tababar ku saabsanaa Dambiyada Abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo Dalxiiska.

Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay Saraakiisha ka qeyb qaadatay tababarkaan in ay ka hortagaan dambiyada abaabulan sida Tahriibinta caruurta iyo socdaalada sharci darada ah.

Tababarkaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Saraakiil ka socotay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Boliiska Garoonka Muqdisho, Qeybta dambi baarista (CID),NISA, Interpol, Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska iyo Guddiga Maamulka Diyaaradaha.

Tababarkaan oo socday muddo seddex maalin ah ayaa waxaa lagu baranayay sida looga hortago dambiyada abaabulan, ka ganacsiga dadka iyo tahriibinta dadka, tababarka ayaa waxaa bixiyay Hey’adda Socdaalka Aduunka (IOM).

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment