1269 Views

Wasiirka Wasaaradda Diinta Awqaafta ee oo goordhaw shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan berri Ciid u aheyn

Wasiirka Wasaaradda Diinta  Awqaafta ee oo  goordhaw shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan berri Ciid u aheyn
____________________________________________________________________________

May 11, 2021

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhaw shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan berri Ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka oo ay wehliyaan Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa illaa Afurkii caawa ku sugnaa Wasaaradda Warfaafinta, si ay u xaqiijiyaan bilashada bisha Shawaal ee Soonfur, balse markii la waayey waxay wasaaraddu go’aamisay in Arbacada berri la buuxiyo 30-ka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan dowladaha Islaamka ay ku dhawaaqeen in berri aysan Ciid aheyn.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post