738 Views

Trump oo cafis u fidiyay dad farabadan

Trump oo cafis u fidiyay dad farabadan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 20, 2021—Madaxweynaha xilka kasii degayo ee Mareykanka Donald Trump ayaa cafis u fidiyay la taliyihiisii hore Steve Bannon kaas oo wajahayay dacwado la xiriira musuq maasuq.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli saacado uun ay ka harsan yihiin caleemo saarka madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Trump ayaa sidoo kale cafis u fidiyay in ka badan 70 qof oo kale sacaadaha ugu dambeeyay ee xilka madaxweynaha.

Mr Bannon wuxuu ahaa la taliyihii Trump xilliggii ololaha doorashada 2016-kii, waxaana bishii Agoosto ee sanadkii lasoo dhaafay lagu soo oogay dacwad ah musuq maasuq oo ku saabsan olole lacag uruurin ah oo ku saabsan dhismaha gidaarka xuduudka Mexico iyo Mareykanka.

Mr Biden ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah galinka dambe loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay mudda xileedka madaxwayne Trump ayaa waxaa hareeyay weerarkii taageerayaashiisa ay ku qaadeen dhismaha Capitol Hill, halkaasi oo dabad-baxayaashu ay u dhaceen aqalka Congreska.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post