1005 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Rooble oo magacaabay guddi ka shaqeeya gargaarka abaarta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya   Rooble oo magacaabay guddi ka shaqeeya gargaarka abaarta
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa goor dhaweyd soo saaray bayaan uu ku magacaabayo guddi ka kooban 34 xubnood oo ka shaqeyn doona arrimaha gurmadka abaarta.

Mr Rooble ayaa sheeegay inuu guddigaasi magacaabay isagoo “ka duulaya baahida loo qabo dardar galinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta.”

Guddigan ayaa waxaa hogaamin doona Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed.

Soomaaliya waxaa bilihii ugu dambeeyay ka taagnaa abaar baahsan oo saamaysay dad iyo duunyaba, iyadoo meelaha laga soo sheegayo in iska daa xoolihiiyee ay dadkii dhimanayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post