1197 Views

Taliyaha Ciidanka Dowladda ee G/Gedo oo sheegay in la soo afjarey dagaalkii B/Xaawo

Taliyaha Ciidanka Dowladda ee G/Gedo oo sheegay in la soo afjarey dagaalkii B/Xaawo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isniin  , March 2, , 2020 —Waxaa xaalad deganaansho ah haatan laga dareemayaa degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo,halkaas oo Maanta  dagaal xoogan oo geystay khasaaro dhimasho & dhaawac ah ku dhexmaray Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

 

Dagaalkii ka dhacay degamdaas ayaa waxaa uu ku faafay deegaannada Xaduudka ah ee dhinaca Magaalada Mandheera,waxaana uu ka dambeeyey dagaalka,kadib markii Ciidanka Dowladda ay weerareen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Cabdi Rashiid Janan.

 

 

 

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo Korneyl Maxamed Caddow Cali Sanka ayaa sheegay inay soo afjareen dagaalkii ka dhacay Xaduud beenaadka Kenya,isla markaana xaalada ay tahay mid degan.

 

Waxaa uu sheegay inay ka awood roonaadeen khasaarane gaarsiiyeen dad uu sheegay inay taageero ka helayeen Ciidanka Kenya,isla markaana dagaalkii dhacay ay ku qabsadeen Gaadiid dagaal sida uu hadalka u dhigay.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in intii uu socday dagaal ay Ciidamada Kenya ee Xaduudka ku sugan madaafiic dhowr ah ku garaaceen degmada Beled-Xaawo oo ay guryo dad Shacab ah leeyihiin ku gubteen.

 

Majiro mas’uul ka tirsan Maamulka Jubbaland oo sirasmi ah uga hadlay dagaalkii Maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera marka laga reebo warar lagu daabacay Warbaahinta Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment