1290 Views

Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee jooga Xarunta ayaa ugu baaqay in farmaajo uu is Casilo

Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee jooga Xarunta ayaa ugu baaqay in farmaajo uu is Casilo
____________________________________________________________________________

May-1-2021

Waxaa goor dhawayd warbaahinta ay gaartay xarunta baarlamaanka oo lagu wado in uu goor dhaw gaaro Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Kulanka oo lagu wado inuu goor dhow ka furmo Villa Hargeysa ayaa waxaa haatan hoolka ku sugan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo wariyeyaasha kula hadlay hoolka baarlamaanka ayaa ka hadlay kulanka maanta, isaga oo farriin culus u diray madaxweyne Farmaajo.

Idiris Dhaqtar ayaa ugu baaqay farjmaajo in uu deg deg isku Casilo si loo badbaadiyo dalka iyo dadka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xaaladdu ay faraha kasii baxayso, isla-markaana jidadka ay fadhiyaan mucaaradka, loona baahan yahay in dalka la bad-baadiyo

“ waxaan ka Codsanaynaa farmaajo in uu is Casilo waan soo lugeynay meel aan soo marno ayaan weynay jidadkii mucaaradaa fadhiyo xaaladda meel qaraar ayey mareysaa dadkii waa barakaceen,” ayuu sii raaciyey xildhibaanku.

Sidoo kale Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa ah mid isha lagu wada hayo, wuxuuna kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah oo uu dalku jiro marxalad ah adag oo kala guur ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post