1254 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  26, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay hoygiiga ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse. Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad-celiyay soo dhawaynta uu hoygiisa ugu sameeyay, ayaa bogaadiyay dadaalka ay hoggaanka dalku uu ugu jiro soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, isaga oo ballan qaaday in dhaqanku ay ku garab taaganyihiin dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulanka uu boqor Burhaan la qaatay ka sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ay dowr muhiim ah ku leeyihiin horumarinta bulshada, xasiloonida, nabadaynta iyo arrimaha dhab-u-heshiinta, ayna muhiim u tahay umadda Soomaaliyeed in dhaqanku ay xoojiyaan dawrkaas wanaagsan ee laf-dhabarta u ah nolosha ummadda Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment