405 Views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo eed Culus Dusha Uga Tuuray Xisbiyada Mucaaradka

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi oo eed Culus Dusha Uga Tuuray Xisbiyada Mucaaradka
____________________________________________________________________________

Khamiis: LULY 21, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo saaka ka hadlayey munaasabad ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay in labada Xisbi ee mucaaradka ugu waaweyn ee Wadani iyo UCID ay diidan yihiin in xisbiyo kale ay ka qeyb qaataan doorashada.

“Ururrada la furayo ee kharash garoobaya doorashada geli maayaan bay dhaheen. taasina sharci uma hayaan Maxkamad baana go’aamisee ku noqdaan ku iri” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa sheegay in mucaaradku ay dalbanayaan in xiligeeda la qabto doorashooyinka balse waxaa uu ku eedeeyey in isla iyaga ay carqaladeynaan in doorasho la qabto.

“Doorashadii Madaxweynaha waqtigeedii halla qabtay yidhaahdeen,  taasna cidi ma diidadanee guddidii doorashooyinka ee shaqadaa lahayd oo dhexdooda dhibi ka timi degdeg baan u soo magacaabay, laakiin saddex buu baarlamaanku reebay, cidda diiddayna waxay wada ahaayeen xildhibaannada xisbiyada mucaaridka ah” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa intaas ku daray iney diyaar u yihiin qancinta xisbiyada gadoodsan ee Mucaaradka.

“Diyaar baan u ahay inaan walaalladay qanciyo faq iyo fagaareba wixii ay rabaane aynu kala gar qaadanno”ayuu intaa ku daray Muuse Biixi.

Labada Xisbi ee ugu waaweyn mucaaradka ee UCID iyo Wadani oo shalay shir jaraaid qabtay ayaa sheegay iney burbureen wadahadalkii ay kula jireen Maamulka Somaliland ee la xiriiray doorashada, iyagoo ku hanjabay iney qaadi doonaan talaabooyin adag.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post