1038 Views

Weerar lagu qaaday guriga wasiirka gaashaandhigga Afghanistan

Weerar lagu qaaday guriga wasiirka gaashaandhigga Afghanistan
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 04, 2021 —Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay weerar culus oo lagu qaaday guriga wasiirka gaashaandhigga Afghanistan ee ku yaalla Kabul.

Bismillah Khan Mohammadi ma uusan joogin gurgiisa xilli dabley ay isku qarxiyeen baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay la beegsadeen goobta amnigeeda sida weyn loo adkeeyo ee aagga cagaaran.

Qoyska wasiirka ayaa laga daadgureeyay guriga, waxaana la dilay afar kamid ah dableydii weerarka soo qaaday, sida ay sheegeen saraakiisha.

Kooxda Taalibaan waxay sheegtay inay ka dambeysay weerarka.

Waxaana lagu soo warramaya in 20 qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post