381 Views

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shir guddoomiyay shirka Gollaha wasiirada maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shir guddoomiyay shirka Gollaha wasiirada maamulkaasi.
____________________________________________________________________________


Isniin: June 20, 2022

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir guddoomiyey shir heer Wasiiro ah oo looga hadlayey maamul baahinta Puntland ee (JPLG)

Shirkan oo sanadkii laba jeer qabsooma waxaa kasoo qayb galay ,Wasiirada wasaaradaha bahwadaagta la ah mashruucha, Agaasimaha Madaxtooyada iyo masuuliyiinta xafiiska maamul baahinta Puntland (JPLG) waxaana looga hadlay, Xog-waran ku saabsan dibu-eegista siyaasada maamul baahinta, Warbixin ku aadan soo dhamaystirka xeerka Biyaha oo laga dhegaystay Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Dar-dargelinta qoondada dowladdu ku bixiso hawlaha fidinta adeegyada horumarinta maxalliga ah oo laysla gartay in sida ugu dhakhsaha badan looga hawl galo iyo Ansixinta wareejinta 20 xarumo Caafimaad iyo 33 xarumo waxbarasho ee laysku af-gartay shirkii guddiga farsamo ee qabsoomay 21-22, March, 2022 oo shira lagu ansixiyey.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka oo hadal koobaan ka jeediyey ayaa xusay muhiimada ay leedahay maamul baahinta iyo in cid walba ka qaadato qaybta kaga aadan isaga oo amray wasaaradaha mashruucu la xiriiro inay fududeeyaan hawlaha looga baahan yahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post