285 Views

Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya oo caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen ku-talagalka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka

Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya oo caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen ku-talagalka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 15, 2022

Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen ku-talagalka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka

Kulankaan waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre wuxuuna goluhu meel mariyey miisaaniyad gaareysa $967.7 Milyan oo dollar.

Miisaaniyadaan ayaa ka kooban dakhliga gudaha uga soo xaroonaya dowladda iyo deeqda ay dowladda siiyaan saaxiibada caalamka.

“Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xukuumadda.

https://57e5c44db68c7c47517e6f06f1df4371.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda.

“Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaandhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post