1140 Views

Puntland oo Soomaaliland ku eedeeysay dagaal ka dhacay Sanaag

Puntland oo Soomaaliland ku eedeeysay dagaal ka dhacay Sanaag
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 29- 2019 Dhawaan deegaanka Waqadariya ee gobolka Sanaag waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyey laba maleeshiyo,kuwaas oo isku qabsaday macdanta laga qodo Buuraha deegaankaas,waxaana dagaalkaas Puntland ay ku eedeeysay Soomaaliland.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo qoraal kooban soo dhigay Barta uu leeyahay Facebook-ga ayaa waxaa uu ku eedeeyey Soomaaliland inay Ciidamadeed ay qeyb ka yiiin dagaalkii ka dhacay deegaanka Waqadariya.

 

 

 

Dagaalka ka dhacay deegaanka Waqadariya ayaa waxaa ku geeriyooday Saddex ruux halka tiro kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhamaantood ahaa maleeshiyaadkii dagaalamay.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in Ciidamada Soomaaliland ay weerar kusoo qaadeen Waqadariya,isaga oo ugu baaqay Gobolka Sanaag inay garab istaagaan Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland.

 

Sidoo kale Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in cawaaqib xumada ka dhalata duulaan iyo dagaal ay deegaanka Waqadariya Soomaaliland  ka wadao ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto.

 

Si kastaba deegaanka Waqadariya oo uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa Ciidamo farabadan oo Millateri ah geysay Soomaaliland,taas oo keentay in dagaalka u dhaxeeyey labada maleeshiyo uu istaago

 

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment