513 Views

DEG DEG: Gudoomiye Dhabancad oo sheegay in ay Codaynayaan Xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq

DEG DEG: Gudoomiye Dhabancad oo sheegay in ay Codaynayaan  Xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq
____________________________________________________________________________


Arbaco: April 27, 2022

Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad ayaa ku gacan seyray dalab ay soo jeediyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha, kaasi oo ay ku rabeen in hoolka doorashada looga saaro Xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq.

Guddoomiye Dhabancad ayaa diiday in la saaro Xildhibaanada Ceelwaaq, wuxuuna ku adkeystay inay codeynayaan, waana markii saddexaad ee guddoomiyaha KMG uu ku gacan seyro dooda saarista xildhibaanadaas.

, Xildhibaanada labo kutlo oo kala ah kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa NISA ayaa qorsheynayaan inay fowdo ka bilaaban doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Dooda saarista Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa ah isku-deygii u dambeeyay ee kooxda Farmaajo iskugu dayeyso inay fowdo iyo buuq uga abuurto kulanka Baarlamaanka ee lagu dooranayo guddoonka.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq ayaa maanta lagu arkayay ayaga oo ku sugan hoolka Afisyoone ee ka dhaceyso doorashada.

Lama oga sida ay noqon doonto xaalada, hase yeeshe ujeedkooda u weyn ee xubnaha doodan keenay kulanka ayaa ah in lagu baajiyo doorashada illaa hadda ay halkaas ugu sugan yihiin Xildhibaanada.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse xaalka hadda sidii hore waa ka roon yahay, waxaana socota qaban-qaabada doorashada.



Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post