258 Views

Dagaal culus oo deegaanka Yasooman ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab

Dagaal culus oo deegaanka Yasooman ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

arbaco: OCTOBER 12, 2022

Daggaal xooggan ayaa saaka ka dhacay deeggaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhaxeeyaa ciidanka dowladda iyo kuwa loo yaqaan Macawislayda oo dhinac ah iyo Al-shabaab.

Dagaalka ka dhacay degaanka Yasooman ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay aroornimadii hore ee saaka weerar ku soo qaadeen saldhig ay ciidamada Dowladda kaga sugnaayeen degaanka Yasooman.

Illaa weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee dhashay dagaalkan maanta ka dhacay deegaankaas.

Sidoo kale wax war ah weli kama soo bixin saraakiisha Dowladda oo ku aaddan dagaalka ka dhacay Yasooman balse dhanka Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post