486 Views

Guddiga doorashooyinka Puntland oo doortay hoggaan cusub goor dhawayd

Guddiga doorashooyinka Puntland oo doortay hoggaan cusub goor dhawayd
____________________________________________________________________________

Axad: January 2, 2022

 Kadib markii maanta guddoomiyihii guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo ku xigeenkiisii Jaamac Xirsi Faarax ay iska casileen xillalkii ay guddigaas ka hayeen ayaa shir gelinkii dambe ee maanta ay isugu yimaadeen xubnaha kale ee guddiga waxaa ay ku doorteen guddoomiye iyo ku xigeen KMG ah.

Guddiga oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in guddoomiye ku meel gaar ah ay u doorteen Cabdirisaaq Axmed Saciid halka ku xigeenkiisana ay u doorteen Cali Jaamac Faarax.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in howlihii iyo shaqooyinkii ay hayeen aaney waxba iska badali doonin iyagoo intaa ku daray in maalmaha soo aaddan ay bilaabi doonaan la tashiyo ku saabsan dhameystirka doorashooyinka Golayaasha deegaanka Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post