579 Views

Jubbaland & Galmudug oo qaadacay Xukuumadda uu soo dhisay RW Xamse

Jubbaland & Galmudug oo qaadacay Xukuumadda uu soo dhisay RW Xamse
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 4, 2022

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug ayaa markii ugu horreysay looga hadlay magacaabista golaha wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Labada Maamul ayaa gabi ahaan qaadacay liiska Xukuumadda ee la soo saaray, waxaana ay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha uu ku xadgudbay awood qeybsiga Beelaha Daarood, isla markaana ay qaateen go’aan ah inay midoobaan ayna tashadaan.

War-saxaafadeedkan waxaa si gaar ah u soo saaray Madaxweyne ku-xigeenada 1-aad ee Galmudug iyo Jubbaland Cali Daahir Ciid iyo Maxamuud Siyad Aadan, kuwaas oo kulan gaar ah ku yeeshay Aalada Fogaan araga, sidoo kale  waxay ku baaqeen in la isugu yimaado shir ay uga tashanayaan caqaabdaha horyaalla iyo quursi ay sheegeen in lagu sameeyay Beeshooda.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka wadajir ah ay soo saareyn labada Madaxweyne ku-xigeen ee Jubbaland iyo Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post